Suxufiyiin Ku Xirnaa Mayanmar Oo La Sii Daayey

Muqdisho | QOL | May 07, 2019 –2 Saxafi oo u shaqeeya Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa waxaa maanta laga sii daayey Xabsiga, kadib, markii ay xirnaayeen in ka badan 500 o omaalmood.

 

Labada Weriye oo lagu magacaabo Waan Loone oo 33-jir ah iyo  Kayaw So oo 29 jir ah waxay ku xukunaayeen xabsi min 7-sanno ah, kadib, markii lagu helay inay jebiyeen Sharciga Sirta Dowladda

Ka hor inta aan Suxufiyiintaasi la xirin bishii December ee sannadkii 2017-kii, waxay ku hawlanaayeen baaritaanka dilkii 10 nin oo ka tirsan Muslimiinta Rohingya i oo ay Ciiddanka Dowladda Mayanmaar ku dileen Gobalka Rakhiine ee Galbeedka dalkaasi bishi iAugust ee sannadkii 2017-kii.

 

Dhinaca kale, Suxufiyiinta maanta la  sii daayey waxay ka mid yihiin 6.520 Maxaabiis oo uu Madaxweynaha dalkaasi, Win Myint Wiki u fidiyey Cafis Guud o olagu maamusayey dhalashadda Sannad-dhaqameedka dalkaasi

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *