Sawirro:-Duuliye Calooshiis U Shaqeyste U Dhashay Bortuqiiska Oo Lagu Qabtay Liibiya

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Warbaahinta taabacsan Taliyaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ayaa soo bandhigtay Duuliye u dhashay dalka Portuqiiska, kaasi oo waday Diyaarad lagu soo riday deegaanka Waadi Al-hira oo dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

 

Duuliyaha ayaa la sheegay inuu waday Diyaarad Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Dowladda Liibiya ee ay QM aqoonsan tahay oo nooceedu ahaa Miraaj F1 oo lagu farsameeyey Faransiiska.

Duuliyaha oo wareysi lala yeeshay lagu baahiyey Baraha Bulshadda waxa uu magaciisa ku sheegay Jimmy Rees, oo 29-jir ah, kana soo jeeda dalka Portuqiiska.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *