SAWIRO:-Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug iyo Xubno kale oo gaaray degmada Guriceel

Muqdisho | QOL | May 09, 2019 –Magalada guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyey Guddoomiyaha guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan

 

Wafdiga oo kasoo ambabaxay Magalada dhuusamareeb ayaa waxaa degmada Guriceel kusoo dhaweeyey  Xildhibaano, Maamulka Dagmada Guriceel, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Reer Guriceel, iyada oo siweyn Maanta loo adkeeyey Amniga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

 

Guddoomiyaha Guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan faarax oo hadal kooban u jeediyay dadkii soo dhaweeyey ayaa ku booriyey inay sii adkeeyaan amnigooda gaar ahaan amniga degmada guriceel.

 

Saacadaha nasoo aadana ayaa la filayaa in wafdiga ay kulamo gooni gooni ah la qaataan Maamulka degmada Guriceel, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *