Sawiro:-Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho | QOL | May 14, 2019–Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir,waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari NOHA  ah oo laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa lagu weeraray Xarunta, xilligaas oo dad Barakacayaal ah deeq kala duwan loogu qeybinayay,sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

 

Gawaarida Gurmadka deg dega ayaa goobta tegay,waxaana sidoo kale gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Doowladda Soomaaliya,kuwaas oo dadka u diidaya inay tagaan halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Xarunta Degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir ayaa ku taalla dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana ay dhowr tallaabo u jirtaa Madaxtooyada.

 

Inta la xaqiijiyey weerarkaasi ismiidaaminta ah ee lagu weeraray Xarunta dgemada Warta-Nabada Ex-Wardhiigleey ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen Shacab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *