Dhagayso:-Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Oo Ka Hortimid Go’aankii Wasarada Waxabarashada DFS

Muqdisho | QOL | May 14, 2019–Wasiirka Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Mudane Abdirahman Osman Malak ayaa si kulul ugu hadlay go’aankii uu Xalay ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Abdullahi Godah Barre oo ahaa in gebi ahaanba la baabi’iyey imtixaankii Shahaadiga ee Dugsiyada Sare.

Wasiir Malaaq oo wareysi xasaasi ah siiyey TVga TUSMO ayaa gaashaanka u daruuray gebi ahaanba hadalkii kasoo yeeray wasiir Goodax sheegeyna inaan haba yaraatee laga talo gelin wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada go’aankii lagu baabi’iyey imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare.

 

Wareysiga oo dhameystiran ka daawo qaybta hoose

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *