Maamulayaasha Milliteriga Dalka Suudaan Oo Hakiyey Wada-Xaajoodkii Ay La Lahaayeen Mucaaradka

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Madaxa Golaha Milliteriga ee haya talada dalkaasi (TMC), Jeneral C/fataax Al-burhaan ayaa sheegay inay kulankaasi hakiyeen muddo 72-saacadood ah, isagoo Dibadbaxayaasha ku eedeeyey inay carqaladeynayaan Nolosha caasimadda, isla markaana ay xireen Waddooyinka, Buundooyinka iyo khadadka ay Tareenadda maraan.

Jeneral C/fataax Al-burhan oo saakayto Khudbad ka jeediyey Telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in Wada-xaajoodkii la hakiyey 3 maalmood, ilaa laga abuurayo xaallad horseedi karta in la dhamaystiro Heshiiskaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ay kooxo hubeysan ku dhex jiraan Dibadbaxayaasha, kuwaasi oo toogta ciiddanka Ammaanka.

 

Dhinaca kale, ugu yaraan 14 qof ayaa la dhaawacay shalay, oo qaar ka mid ah la toogtay, xilli ay Ciiddanka doonayeen inay Dibadbaxayaasha ka kaxeeyaan  Fagaaraha Al-Mek Nimir  ee bartamaha magaalladda Khartuum, sida laga soo xigtay koox xiriir la leh Dhaqdhaqaaqa Dibadbaxyaasha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *