Mareykanka Iyo Iiraan Oo Loogu Baaqay Inay Wada Hadlaan

Muqdisho | QOL | May 18, 2019–Madaxa Guddiga Amniga Qraanka iyo Siyaasadda Dibedda ee dalka Iiraan, Hashmatullaahi Falaxaat Bihse ayaa ugu baaqay Dowladaha Maraykanka iyo Iitaan inay wada-xaajood ku yeeshaan dalka Iraq ama Qatar, si loo qaboojiyo xiisadda taagan, xilli ay Milliteriga Maraykanka dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Gacanka Crabeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Labada dhinac waajib ku tahay inay ku waada hadlaan Iraq ama Qatar, si loo soo af-jaro Xiisadda Colaaadeed.

Baaqiisa ayaa yimid, iyadoo Madaxweynaha  Maraykanka, Donald Trump debciyey xiisaddaasi, isagoo sheegay inuusan rajaeynaynin inay dagaal la galaan Iiraan.

 

Donald Trump waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in ay Iiraan wada galaan Heshiis cusub oo la xiriira Barnaamijyadda Nukliyeerka iyo Gantaalladda iyo Taageeradda Milliteri ee ay Iiraan ka wadaan dalalka Iraq, Syria iyo Yemen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *