Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga

Muqdisho | QOL | Maajo 29, 2019  –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Author: Ali
. Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya __________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *