Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Malaysia

Muqdisho | QOL | June 02,, 2019  –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay R/Wasaare Ku Xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *