Wararka Puntland oo xil u Magacaawday Nin kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed

Muqdisho | QOL | June 13,, 2019  –Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa waxaa lagu Magacaabay guddoomiyaha Amniga iyo ganacsatada Koonfur Galbeed ee ku nool gobolka Nugaal.

 

Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed ayaa loo Magacaabay xilkaas, isaga oo ka Shaqeyn doona Amniga iyo isku-xirka dadka kazoo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed eek u sgean Guuda ahaan Gobolka Nugaal Puntland.

 

Wareegtada ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in in markii la arkay aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa iyo baahida loo qabo in Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed xilkaas, iyada oo Ganacsayada iyo Bulshada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed laga dalbaday inay la Shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *