Jubbaland oo u digtay Musharixiinta Madaxweynenimo

Muqdisho | QOL | June 19,, 2019  –Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa ka digay in waxa uu ugu yeeray dacaayado laga abuuro Ciidamada Jubbaland e esugaya Amniga Magalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee xilligaan ol olaha wada laga doonayo inay wanaag wax ku raadiyaan balse aan laga aqbaleyn inay gef u geestaan Ciidamada Jubbaland.

Isaga oo sii hadlayaya  Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid ayuu sheegay in qof walba uu musharax u noqon karo Madaxtinimada iyo Xildhibaanada Jubbaland,balse aan laga aqbalayn in ay wado qaldan madaxtinimo ku raadiyaan.

Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xilli qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ay eedeyn iyo dhaliilo ay u jeedinayeen Madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *