Wararkii ugu dambeeyay dalka Ethiopia

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Wararka ugu dambeeyay ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Madaxii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii ay ka mid ahaayeen madaxdii shalay ku dhimatay dagaal ka dhacay Bahir Dar.

Weerar lagu qaaday shalay goob ay ku shirayeen madax ka tirsan Is Maamulka Amxaarada ayaa waxaa sidoo kale ku dhintey taliyihii ciidamada dalka Ethipia General l Asamnew Tsige.

Dowlada Itoobiya ayaa ku tilmaantay weerarka ka dhacay Bahir Dar inuu ahaa afgambi fashilmay.

War ay soo saareen Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ayaa lagu sheegay in General hore oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya Asaminew Tsige iyo Madaxa Ammaanka Amxaarada ay ka dambeeyeen afgambi dhicisoobay oo ka dhacay Bahir Dar.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *