Dowladda Somaliya oo cambaareysay afgambigii fashilmay ee Ismaamulka Amxaarada

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay warqad isugu jirtay Cambaaryn iyo Tacsi ay u dirtay dowladda Federaalka ah ee Dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareneyso afgambiga dhicisoobay iyo sidoo kale dilka loo geystay madaxdii gobolka Amxaarada.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya oo ka hortagay Afgambiga islamarkaana ku amaantay nafhurnimadooda.

Qoraalka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheega in ay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo sharci darro ah waxna loogu dhimayo madaxbanaanida dalka Itoobiya iyo Ismaamullada hoostaga.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *