Dowlada Federalka oo beenisay in xilka laga qaaday Wasiir ku xigeenka Batroolka

Muqdisho | QOL | Juun 26, 2019 Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Maxamed Cabdqaadir Hilaal.

“Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka  laga qaaday wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal”

“Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale.”ayaa lagu daabacay Wakaalada wararka soomaaliyeed ee SONNA,

Warqada lagu faafiyay baraha bulshada ee xilka qaadista wasiir ku xigeenka Batroolka ayaa timid kadib markii sidoo kale baraha bulshada lagu faafiyay warqad ka soo baxday xafiiska wasiir ku xigeenka Batroolka taasoo sheegeysay in shaqo joojin lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee  wasaarada Batroolka iyo Macdanta Karar Shukri Domey.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *