Sawiro:-RW Khayre oo la Kulmay Ganacsatada Kasoo Jeedda Galmudug

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug.

 

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

 

Ganacsatada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug.

 

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *