SAWIRO:-Kulan u socdo Madaxweyne Waare & Odayaasha Dhaqanka Dhuusamareeb

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Maanta gaaray Dhuusamareeb & Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay kulan la leeyihiin Odayaasha & Waxgaradka Gobolka Galgaduud.

 

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayaa xal u helida dagaal laba beelood oo kazoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ku dhexmaray deegaano hoostaga degmooyinka Matabaan & Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 

 

U jeedada ugu weyn ee uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle u tegay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay aheyd xal u helida dagaaladaas oo ahaa kuwa soo lab laabtay,waxaana kulanka la filayaa in Go’aano laga soo saaro.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *