Jubbaland oo u jawaabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxa ay cadeysay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.

 

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

 

 

 

Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey inaysan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlada federaalku aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland.

 

War saxaafadeedkan ayaa jawaab u ah waraaq ay shaley soo saartey wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee DFS.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *