Guddiga doorashooyinka Qaranka oo iska difaacay Eedeyn loo jeediyay

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Xilli inta badan Siyaaasiyiinta Soomaalida iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada ay shaki gelinayeen inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho ayaa waxaa hadaladaas ka jawaabay Guddiga Madaxa bannaan  ee doorashooyinka  Qaranka

 

Guddoomiyaha Guddigaas Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Dastuurka dalka uu dhigayo qabsoomida doorasho waliba qof iyo cod ah taas oo la meel mariyay 15 July sanadkii 2015 wixii ka dambeeyayna aan la hirgelin.

 

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in doorasho ay ka dhaceyso Soomaaliya,isla markaana Guddiga doorashada ay ka been abuureen dad siyaasiyiin ah oo sheegay in guddiga shaqadiisa uu gabay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *