Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika oo Maanta ka furmaya K/Afrika

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah uu ka furmo Shirka Sanadlaha ah ee guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Qaarada Afrika kaas oo sanadkiiba mar lagu qabto dalkaas.

Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,kuwaas oo shalay gaaray dalka Koonfur Afrika.

Shirka oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa sanadkaan Ajandaha looga hadli doono waxaa uu noqonayaa arrimaha Qaxootiga Afrika iyo sida laga yeelayo maadaama dalal dhowr ah ay ku kala firirsan yihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadli doono Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Shirka Afhayeenada Baarlamaannada Wadamada Qaarada Afrika oo sanadkiiba mar la qabto ayaa looga hadlaa caqabadaha heysta wadamada Afrika iyo dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan si la isaga kaashado waxka qabashadooda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *