SAWIRO:-Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Qaabilay Danjiraha Qatar ee Somalia

Guddoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Saaxiibtinimadda Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar.

Waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *