Puntland oo Hakisay Bixinta Waraaqaha Aqoonsiga Nabaddoonada

Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu joojiyay biixnta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada taas oo la xiriirta odayaasha loo aqoonsanyahay Nabaddoonada sharciga ah ee beelaha dega deegaannada Maamulkaas.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa waxaa la ogeeysiiyay Xafiiska Madaxweynaha Puntland iyo dhamaan guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyada oo la faray inay joojiyaan waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada.

Sababaha loo hakiyay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ayaa lagu sheegay in Puntland a wado qorsho lagu dhameystirayo habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *