Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ku dhawaaqay Go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Dhuusamareeb oo ay lahaayeen Culimo u diinka Ahlusunna ee degaanada maamulka Galmudug ayaa laga soo saaray digniin ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Shirkaan waxa Shir gudoominaayay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana looga soo horjeestay sida ay wax ku waddaan Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

 

Warqad kasoo baxday Macalin Maxamuud ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulka Ahlusunna, islamarkaana beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in arintaasi wax laga qabto.

 

Ahlusunna ayaa sheegtay in sidoo kale aysan ogolaan doonin in Ciidamo ka socda AMISOM laga geeyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay xustay in ay qaadi doonto tilaabo ka dhan ah arintaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *