Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaaday Wasiir dhaliilay Guddiga Shirka dib u heshiisiinta

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xil-kaqaadis ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Maamulka Galmudug.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xilka qadis lagu sameeyay Wasiirkii Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud, waxaana uu amray in uu Xilka sii heyn doono Wasiiru Dowlaha Wasaarada inta laga magacaabayo Wasiir kale.

 

 

 

In kastoo Wareegtada Madaxweyne Xaaf aan lagu sheegin sababta xilka looga qaaday Wasiirka qorsheynta Galmudug ayaa hadana waxaa jirtay in Wareysi uu siiyay Radio Risaala uu ku sheegay inay laba garab u kala qeyb sameen guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee uu xogeyn ka yahay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *