Muuse Biixi oo ka hadlay dad ku dhintay Roob ka da’ay Hargeysa

Muqdisho | QOL | Ogoosto 28, 2019 –Madaxweynaha  Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka maroodi-jeex,Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Dab-damiska, ilaalada madaxtooyada ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay roob lixaadleh oo ka da’ay Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda, kaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

 

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyey khasaaraha roobku geystay masuuliyiintii ku hawlanaa gurmadka iyo samato-bixinta dadkii uu waxyeeleeyey roobku, waxaanu madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitaalka guud ee Hargeysa.

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland waxaa uu sheegay  in saddex ruux ku geeriyoodeen 18 qof ku dhaawacmeen roobka,welina lagu jiro gurmadka iyo baadi goobka waxyeelada roobkaasi keenay.

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *