SAWIRO:-Madaxweyne Deni oo la kulmay Madaxweynaha Oromada Itoobiya

muqdisho | QOL | Ogoosto 29, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis

 

Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac.

 

 

 

Kulanka Madaxweynaha Maamulka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul,sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *