Taliyaha cusub ee booliska oo ballanqaaday in la furi doono Wadooyinka

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa ballanqaaday in ay furi doonaan Wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho .

 

Taliyaha ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhagaxaanta waa weyn ee lagu xiray Wadooyinka , islamarkaana Ciidanka Booliska ay Mas’uuliyad iska saari doonaan.

 

Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay la kaashan doonaan furitaanka Wadooyinka si loo xoojiyo wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo maamulka gobolka Banaadir.

 

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar maxamuud Maxamed Cumar Filish oo ka qayb galayay munaasabadda xil Wareejinta taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa u ka codsaday Taliska Ciidanka booliska in ay furaan wadooyinka .

 

Waxaa uu sidoo kale shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *