SAWIRO:-Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo weli ka socda Dhuusamareeb

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa weli ka socda shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug,kaas oo Habeenkii Jimcaha aheyd uu Ra’iisul Wasaare Kheyre halkaasi ka furmay.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo laga soo kala xulay 11-ka beelood ee dega deegaannada Galmudug,qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Inta uu shirka socday ayaa waxaa lagu lafa guray sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku nool deegaannada Galmudug.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dhankiisa Dhuusamareeb ku sugan ayaa waxaa uu wadaa qorshooyin kala duwan,kuwaas oo qaarkood dad deegaanadooda waa hore colaad uga barakacay uu dib ugu celiyay

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *