SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Muqdisho | QOL | September 12 2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Jarmaalka gaar ahaa Safiirka Dowlada Germalka u fadhiya Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkiisa Marku.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magalada Baydhabo waxaa ay kusoo dhaweeyeen Wafdiga ka socday dowladda Jarmalka,iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wafdiga  Safiirka Dowlada Germalka u fadhiya Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkiisa Marku, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

 

Xubnaha Wafdiga ka socda Dowladda Jarmalka ayaa inta ay ku sugan yihiin Magalada Baydhabo waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan xubno ka tirsan labada gole, iyaga oo sidoo kale booqan doonaan Xarumo muhiim ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *