Farmaajo oo saxiixay Sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa

Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay  Munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay Munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  kala shaqeynta in lasoo afjaro Musuq maasuqa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *