SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Hirshabeelle & Koonfur Galbeed

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle  Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugan Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

 

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka.

 

Dhammaan Madaxda Qaranka ee kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guud ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *