Jubbaland oo dowladda dhexe ku eedeysan in ay ku heyso Cunsuriyad iyo Hanjabaad

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Maamulka Jubbaland ayaa  cambaareeyay  dhacdadii shalay loogu geystay garoonka diyaaradaha Muqdisho  Madaxweynihii hore ee dalka  kaasoo lagu xanibay Garoonka xilli uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo.

 

Dowlad goboleedka Jubbaland waxa ay sheegeen in  xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Sheekh Shariif ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah.

 

Dhanka kale Jubbaland ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeysan in maalmihii ugu dambeeyay lagula ka kacay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaallaha maamulka Jubbaland falal ka baxsan Sharciga sidda Hanjabaad, Cunsuriyad iyo Xayiraado.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *