Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed oo la Daahfuray

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli ibraahim Sheikh Mudeey ayaa Xalay ka qeybgaly Munaasabad lagu Daahfurayay Wakaalada Horumarinta Dhismaha Ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

 

Munaasabadaan oo uu soo Agaasimay Maareeyaha Guud ee wakaalada Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa kadhacday Hotelka Royal Palace ee Muqdisho.

Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Horumarinta Dhismaha ayaa xaflada kusoo bandhigay waxqabkada shaqo iyo hiigsiyada horyaalo wakaalada.

 

Ugu danbayntii Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sheikh Mudey ayaan ku dhawaaqay in ay daah furan tahay munaasabada xaflada Ee Wakaalada Horumarinta Dhismaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *