SAWIRO:-Wajiga labaad diiwaan-gelinta Ciidamada xoogga oo ka bilaawday Galmudug

Muqdisho | QOL | September- 30-2019 —Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Hoaannada Caafimaadka ,Maaliyada  iyo hoggaanka Ciidanka ayaas si rasmi ah Qaybta 21_aad kaga bilaabey howsha wajiga Labaad ee nidaaminta habka diiwaanka Ciidanka Xoogga Dalka .

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha wajiga Labaad lagu hubinaayo Caafimaadka Ciidamada, iyadoo Askarigu uu yeelanayo xog keyd oo dhameys tiran si loo ogaado warbixinta Guud ahaan askarta Ciidanka Xoogga Dalka

Wajigaan labaad oo uu dhowaan uu daah furay Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa lagu wadaa in ay maraan dhamaan ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan guud ahaan dalka ,waxaana sidaasi sheegey Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Dr: Mahad Cabdullaahi Nuur.

Abaanduulaha Qaybta 21aad ahna kusimaha Taliyaha Qaybta Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi ayaa Ddankiisa tilmaamey in howshaani ay fududeyn doonto la socoshada xaalada Ciidanka

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *