ka Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah la qaadanaya Golihiisa Wasiirada

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ku sugan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa la filayaa in MAANTA OO Khamiis ah in golihiisa Wasiiradda dhamaantood uu la qaato kulan xasaasi ah,sida ay xaqiijisay Madaxtooyadda Puntland.

Waraay heleyso Idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegayaan in shirkaasi looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin, Arrimaha Shirka Caalamka & Soomaaliya ee shalay lagu soo xiray Muqdisho iyo khilaafka xoogeystay ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka, islamarkaana qaadacay, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo Maanta  go’aamo cusub oo ka dhan ah Dowladda Federaalka .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *