SAWIRO:-Madaxweyne Waare oo la kulmay Wafdi ka socday dowladda Kenya

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay wafdi ka socday dowladda Kenya,kuwaas oo ka qeyb-galay Shirkii Caalamiga ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya.

 

Xubnaha uu la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibadda Kenya Hon. Ababu Namwamba iyo Safiirka Kenya ufadhiya Mogadishu Ambassador Lucas Tumbo iyo diblumaasiyiin kale.

 

 

 

Labada dhinac ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen Arrimo ay kamid ahaayeen baahida loo qabo is dhax galka Dhaqaalaha Labada Dal (Regional Economic Integration) taaso daba socotay Khudbadii madaxweyne Waare  ka jeediyay shirka.

 

Madaxweyne waare ayaa Dowladda Kenya uga mahad celiyay kasoo qeyb-galka shirkii Caalamiga ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *