SAWIRO:-Sheekh Shariif oo la kulmay Wakiilka QM ee Somalia

Muqdisho | QOL | October 10, -2019 —Madaxweynihi hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed  ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa uu kulan la qaatay Wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

 

Kulanka oo ay Sheekh Shariif ku wehlinayeen madaxda xisbiga Himilo Qaran  ee uu hoggaamiyaha ka yahay ayaa waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo aragtida Xisbiga Himilo Qaran uu ka leeyahay horumarinta Dalka.

 

Wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa horay waxaa uu ula kulmay siyaasiyiin miisaan ku leh Soomaaliya iyo dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada kajira dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *