Wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkii Axmed Madoobe oo martiqaad loogu sameeyay duleedka Kismaayo

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta duleedka Kismaayo waxaa uu martiqaad ugu sameeyay wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.

 

 

Wafuudan ayaa isugu jiray Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare iyo marto sharaf kale.

 

Martiqaadkan ayaa ahaa mid mahadnaq iyo boggaadin isugu jiray oo ku saabsan qaabkii ay ugu soo qeyb galeen caleema saarki wafuudii kala duwaneyd.

 

Dhinaca kale waxaa caawa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ka dhacdo Xaflad lagu sagootinayo wafuudii ka qeyb gashay caleema saarka, iyadoo wixii berri ka dambeeya ay wafuuda ka ambabixi doonaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *