Sawiro:-Wasiir Beyle oo la kulmay Madax ka tirsan Hay’adda IMF

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kula kulmay Xubno ka tirsan Sanduuqa Lacagta Aduunka.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Arrimo la xiriira Soomaaliya iyo qorshaha deyn cafinta oo ay dadaalkeeda wado Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

“ Waxaan kulamo muhiim ah, misna ay natiijo ka soo baxday la yeeshay madax kala duwan oo ka tirsan Sanduuqa Lacagta Aduunka ee IMF iyo masuuliyiin kale. nala qireen dadaalka iyo howsha aanu ka qabanay dib-u-habeynta maamulka Maaliyadda ayuu yiri “Wasiir Beyle

 

Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay hadafkeedu yahay inay ka miro-dhaliso deyn-cafis iyo Maalgalin ay hesho Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *