Sawiro:-Duqa Muqdisho oo sheegay in lala xisaabtamayo Shirkadaha dhisay wadooyinka qaar

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Kormeeray qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo ay Biya Dhigeen roobkii da’ay.

 

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Shirkadahii dhisay Wadooyinka ay Daadadka Roobka bur buriyeen.

 

Qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa u xirmay roobkii ka da’ay Magaalada muqdisho,isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadka Shacabka ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *