Dowladda oo Taliye Cusub u Magacaawday Saldhiga Guriceel

Muqdisho | QOL | November 04, 2019–Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay taliye Cusub u Magacaabeen Saldhiga Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo shalay ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

 

Degmada Guriceel ayaa waxaa horay u maamulayay Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca,hayeeshee shalay ay kala baxeen Ciidamadooda,kadib khilaaf soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna.

 

 

 

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne u Magacaabeen Zakariye Cali,waxaana shalay uu si rasmi ah ay ula wareegeen,isaga iyo Ciidamo uu wata Saldhiga Booliska degmada Guriceel.

 

Xaalada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa haatan ah mid degan,kadib xiisad dagaal oo saacadihii la soo dhaafay lagad areemayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *