Garoonka diyaaradaha Baladweyne oo saakay markale xirmay

Muqdisho | QOL | November 05, 2019–In ka badan 8 Saacadood ayaa waxaa Roob uu ka da’ayay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan taas oo keentay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

 

Todobaadyo ka hor ayuu sidaan oo kale u xirmay Garoonka,kadib roobab ka da’ay Magaalada Baaldweyne,waxaana taasi ay keentay in ay hakad galaan gurmadkii la geyn lahaa Baladweyne.

 

 

 

Saakay ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Bladweyne ay dowladda u dirto diyaarado gargaar sida,hayeeshee aan la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon karto maadaama Garoonka uu xirmay.

 

Dadka Reer Baladweyne ayaa waxaa xilligaan heysta dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira fatahaada Wabiga Shabelle uu ka geystay degmadaas iyo in uu xirmay Garoonkii Diyaaradaha taas oo hakad gelineysa in gurmad la gaarsiiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *