Dowladda Kuwait oo ku baaqday ilaalinta madax-bannaanida Somalia

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Dowladda Kuwait ayaa mar kale  ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee  Soomaaliya, kadib  kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay New-York.

 

La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka.

 

 

 

Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda Soomaaliya, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-2021.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *