Sawirro:-DFS Iyo Xubno Ka Tirsan M/Goboleedyada Oo Shir Uga Furmay Uganda

Muqdisho | QOL | November 23, 2019 –Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda ayaa waxaa ka furmay Shirka horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka, isla markaana dadka Soomaaliyeed ee faa’iidaystaan.

“Waxaa dhammaan naga go’an inaan Wadajir Waajibaadkayaga u gudanno oo ku aadan dhanka Maaliyadda dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

 

Ugi dambeyntii Wasiir Beyle ayaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Kampala uga mahadceliyay soo dhaweyn ee isaga iyo  Wafdigii uu hogaaminaayay ee loogu sameeyay Safaarada Soomaaliya ee dalkaas.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *