Uganda oo Taliye cusub u soo magacowday Ciidankeeda Soomaaliya

Mogadisho  –December 21, 2019 | QOL |   –Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay taliye cusub u soo magacowday ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

 

Richard Otto ayaa  loo soo magacaabay Ciidamada Uganda ee joogga Soomaaliya waxaana markan uu xilkiisa yahay Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya.

 

 

 

Richard Otto, ayaa wax ku soo bartay Dalka Ruushka, waxaana uu soo qaatay tababar aad u sareya waxaa uu ka mid ahaa Ciidamadii ugu horreeyay ee Al-shabaab kula dagaallamay  Soomaaliya Sanadkii 2007dii.

 

Taliyaha cusub oo durba xilka la wareegay ayaa u mahadceliyay Taliyayaasha kaga horreeyay howlgalka AMISOM iyo Madaxda Ciidanka Difaaca Uganda ee isaga u magacaabay.

 

6,000, oo Askari ayaa Uganda ka joogta Soomaaliya,waxaana ay isu beddelaan sanad ,iyada oo Guutadii sanad joogtaba lagu beddelo mid kale oo iyana sanad kale shaqeyneysa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *