RW Kheyre oo la kulmay Wafdi ka yimid Soomaaliland

Mogadisho  –December 22, 2019 | QOL |   –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

 

Wafdiga oo shalay muqdisho yimid ayaa waxaa ay keeneen lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen,taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.

 

 

 

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka mahad celiyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada muqdisho, iyaga oo sheegay inay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *