Madaxweynaha Jubbaland oo War kasoo saaray Qaraxa Muqdisho iyo Khasaaraha Horudhac ah oo la shaaciyay

Mogadisho  –December 28–2019 | —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qarax saaka ka dhacay isgooyska EX Contoral Afgooye halkaas oo ay ku naf waayeen Dad shacab ah oo u badnaa arday u socotay goob waxbarasho.

 

Waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu xanuunka la qaybsanayo ehelada dadkooda ku waayay masiibadan

 

 

 

Madaxweynahu wuxuu dadka halkaas ku geeriyooday Allah uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana kuwa dhaawaca ah ayuu u rajeeyay Caafimaad deg deg ah.

 

Agaasimaha Cisbitaal Madino Dr Maxamed Yuusuf, wuxuu hada xaqiijiyay in Dhimashada ay tahay 73 maydad ah halka dhaawacana uu yahay 52 ruux.

 

Dr Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ay tahay tirada Isbitaalka Madiina soo gaartay

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *