Maamulka Gobolka Banaadir oo dibadbax iclaamiyey

Mogadisho  –December 31–2019 | —Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu iclaamiyey in Maalinta Khamiisto ah ee soo socota uu Magaalada Muqdisho ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in banaanbaxaas uu noqon doono midweyn  ioo Shacbaka Muqdisho ku muujinaayan midnimadooda iyo in meel loogu soo wada jeesto Al-Shabaab.,

 

 

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Al—Shabaab dhibaato ku hayaan Shacabka Gobolkan Banaadir,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan.

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay ku dhinteen dad u badan Shacab oo Sabtidii todobaadkaan ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho,iyaga oo tacsi u direy dadkii ku dhintey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *