Laftagareen oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Mogadisho  –January 02, 2020—-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyeymkaas oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay Shacabka beegsanayaan.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *