Guddoomiye Filish”Waxaa jira Ganacsato lacago siiya Al-Shabaab

Mogadisho  –January 02, 2020—-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay jiraan ganacsato farabadan oo lacago baad ah siiya Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Dadka Shacabka,hayeeshee taasi aysan aqbaleyn,isla markaana ay dagaal adah la geli doonaan Al-Shabaab.

 

 

 

Waxaa uu uga digey Ganacsatada Soomaaliyeed inay lacag siiyaan Al-Shabaab oo uu sheegay in markii dambe lacagahaas ay Carruurtooda ku dilayaan.

 

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu Maanta ka sheegay banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab looguna baroor diiqayey qarixii Ex-koontorool oo lagu qabtay Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *