Yaa horboodaya mooshinka laga wado Madaxweyne Waare?

Mogadisho  –January 03, 2020—-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ku eedeeyeen in uu gadaal ka riixayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

 

Wasiirka dib u heshiisiinta Hir-Shabeelle kana mid ah Xildhibaanada Maamulkaas ayaa sheegay in mooshin kaas uu qeyb weyn ku leeyahay guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in mooshinkaas ay sidoo kale qeyb ku leeyihiin Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda federaalka,isla markaana aan waxba ka jirin,isaga oo baaq u direy Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Hir-Shabeelle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *